PSG Mise Barcelona? Georginio Wijnaldum Oo Go’aansaday Kooxda Uu Ku Biirayo.

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay Barcelona uga hor martay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Holland ayaa u muuqday mid qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Barcelona ka hor intii ayna PSG miiska u saarin xiddiga 30 jirka ah dalab waali ah.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga reer Holland miiska u saartay dalab aad uga hooseeya midka ay PSG haatan u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in uu xiddiga Wijnaldum diyaar u yahay in uu aqbalo dalabka ay kooxda PSG u soo bandhigtay maadama uu ka helayo mushahar ka fiican midka Barcelona.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Wijnaldum ku biiri doono kooxda PSG ilaa inta ay kooxda Barcerlona miiska u saarayso mid la mid ah dalabka uu ka helay kooxda PSG.


Source: laacibfm

SHARE