Rooney Oo Tilmaamay 3 Dhibaato Oo Wajahaya Xulka Qaranka England Ka Hor Tartanka Euro 2020.

Halyeeyga Xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa sheegay 3 wel-wel oo uu ka qabo xulka qaranka England ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020.

Weyne Rooney ayaa ka maqnaan doona tartanka Euro 2020 markii ugu horaysay muddo 21 sano ah maadama uuna xagaagan ka qayb gali doonin tartanka kadib markii uu ka fadhiistay xulka qarankiisa.

Inkasta oo ay dad badan xulka Qaranka Engalnd u saadaalinayaan ku guulaysiga tartanka Euro 2020 xagaagan hadana Xiddiga ugu goolasha badan xulka Engaldn ee Rooney ayaa aaminsan in khibrad la’aanta tartamada waaweyn xiddigaha xulka England, is qancin la’aanta iyo dhaawacyada xiddigaha muhiimka ah ee sida Harry Maguire iyo Jordan Henderson ay wal-wal ku tahay xulkiisa.

Rooney oo la hadlaya wargayska The Times ayaa yidhi”Mid ka mid ah shakiyada aan qabo ayaa ah in uu xulka qaranka England haysto xiddigo da’yar ah kuwaas oo aan khibrad weyn u lahayn tartamada waaweyn”.

“Sidoo kale waxa aan ka wal-walsanahay in ay jirto is qancin la’aan sababta oo ah Group-ka England ma ahan mid fudud sida ay dadku filayaan”.

“Xulka England waxa laga yaabaa in uu kulanka ugu dambeeya u gudbo wareega xiga ee tartanka”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay u gudbi doonaan wareega Bug baxa si kasta ha ahaatee ku ciyaarista garoonka Wembley ayaa faa’iido weyn u noqon dooonta sidoo kale waa muhikm in ay xiddigaha Harry maguire iyo Jordan Henderson taam u noqdaan tartanka Euro 2020 sababta oo ah iyaga ayaa laf dhabar u ah xulka qaranka”ayuu sii raaciyay


Source: laacibfm

SHARE