XASAASI: Marcus Rashford Oo Seegi Doona Bilowga Xilli Ciyaareedka, Sabab.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Marcus Rashford ayaa mari doona qaliin taas oo la macno ah in uu seegi doono bilowga xilli ciyaareedka dambe sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa soo qaatay xilli ciyaareed adag isaga oo 57 kulan u saftay kooxdiisa sidoo kale la kulmay dhawr dhaawac intii uu socda.

Rashford ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka ciyaaro xulka qarankiisa England tartanka Euro laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu xiddigu dhaawac ku ciyaari doono tartanka.

Sidaas darteed xiddiga ayaa mari doona qaliin marka uu dhamaysto tartanka Euro 2020 taas oo keeni karta in uu seeo bilowga xilli ciyaareedka cusub ee soo socda.

Hadii uu xulka qaranka England gaadho final-ka Euro 2020 waxa uu haysan doonaa muddo bil ah si uu uga soo kabsado dhaawac ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.


Source: laacibfm

SHARE