Arsene Wenger Oo Qiimeeyay Fursadaha Xulka Qaranka England Ee Tartanka Euro 2020.

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay in uu xulka qaranka England yahay midka 2-aad ee ugu cad-cad ku guulaysiga Euro 2020 sanadkan.

Xulka qaranka England ayaa guul 1/0 ah ku soo xidhay kulamada isku diyaarinta Tartanka Euro 2020 iyaga oo garaacay Romania iyaga oo haatan isku diyaarinaya kulanka Croatia Axada.

Arsene Wenger ayaa rumaysan in uu Xulka Qaranka England yahay xulalka ugu adag ee u tartamaya tartanka Euro 2020 sanadkan.

Isaga oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Xulka England waa midka ugu cad-cad ee halista ku ah France”.

“Waxa ay haystaan xiddigo tayo leh, waxa aan odhan karaa waxa ay haystaan xiddigo da’yar ah sida Mason Mount, Phil Foden, Jack Grealish, Declan Rice iyo Harry Kane halka ay sidoo kale haystaan xiddigo khibrad leh sida Jordan Henderson iyo Harry kane”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE