Barcelona Oo Ku Dhaw In Ay Waydo Saxiixa Memphis Depay, Kooxdee Ayaa Kaga Horaysa.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ayna wali ka rajo dhigin dalabkeeda ku aadan saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon ee Memphis Depay.

Iyada oo heshiiskiisa kooxda Lyon dhici doono xagaagan xiddiga reer Holland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

Xiddiga Depay oo dhawr boos ka ciyaari kara ayaa la sheegayaa in uu Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman kaas oo uu kula soo shaqeeyay xulka qaranka Holland.

Si kasta ha ahaatee Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheeaya in ay kooxda Juventus haatan kaga horayso saxiixa xiddiga 27 jirka ah inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Juventus doonayso in ay iska iibiso xiddiga Cristiano Ronaldo si ay ugu dhaqaaqdo xiddiga Memphis Depay si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE