Carlo Ancelotti Oo Maamulka Real Madrid U Tilmaamay Xiddiga Uu U Doonayo Saxiixiisa Ugu Horeeya Ee Xagaaga

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Jules Kounde ka dhigtay saxiixiisa ugu horeeya ee suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaa khatar ugu jirta in ay lumiso labada daafac ee Sergio Ramos & Raphael Varane kuwaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkooda kooxda Real Madrid.

Jules Kounde ayaa ku raaxaystay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu soo jiiay indhaha koxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan koxohooda.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu Ancelotti u sheegay maamulka kooxdiisa in ay u keenaan xiddiga Jules Kounde si uu u noqdo saxiixa ugu horeeya ee kooxdiisa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Koxoda Sevilla dalbanayso lacag dhan 80 milayn oo euro si ay u iibsi xiddiga reer France ee Jules Kounde kaas oo qaab ciyaareed fiican ku jira.


Source: laacibfm

SHARE