Dhamaan Xiddigaha Waaweyn Waxa Ay Doonayaan In Ay Ku Biiraan PSG.

Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Barcelona xagaagan si uu u soo afjaro wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa Laakiin madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa weli isku dayaya inuu Xiddiga reer Argentina ku soo jiito caasimada Faransiiska.

Messi ayaa gudbiyay codsi ah inuu ka tago Barcelona xagaagii lasoo dhaafay ilaa haatana wali wax heshiis cusub uma saxiixin kooxda Barcelona xilli uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka bishan waxana lagu heli karaa heshiis xor ah.

“Waxa aan dhihi karo ayaa ah in dhamaan Xiddigaha waaweyn ay doonayaan inay yimaadaan PSG,” Al-Khelaifi ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay L’Equipe.

“Suurtagal ma ahan in dhammaantood lala soo saxiixdo, maxaa yeelay waxaa aan haatanba haysanaa xiddigo fiican laakiin in aan helno saxiixa Messi waa mid cajiib ah”.

“Waxaan u sheegay madaxweynaha Barcelona Joan Laporta in heshiiska Lionel Messi dhici doono dhamaadka bishan waliba koox walba xaq u leedahay in ay wadahadalo la qaadato”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE