Lambarka Uu Ruben Neves U Xidhan Doono Arsenal Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves kaas oo ku dhaw in uu ka dago Emirates suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 34 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves ayaa dhankiisa Wolves u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal xilli ay Gunners isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso xiddiga.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Arsenal haatanba diyaarinayso lambarka uu xiddiga Ruben Neves u xidhan doono kooxda xilli ciyaareedka dambe hadii uu ku biiro kooxda todobaadyada soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarisay Lambarka No.8 kaas oo uu ka tagay xiddiga Dani Ceballos oo amaah 2 sano ah kula joogay kooxda Arsenal kana tagay kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE