Man United Oo Boos Cusub Ka Ciyaarsiinaysa Aaron Wan-Bissaka Hadii Ay La Soo Saxiixdaan Kieran Trippier

Daafaca Manchester United Aaron Wan-Bissaka ayaa lagu tijaabin doonaa daafaca dhexe kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub hadii ay kooxda dhameystirto saxiixa daafaca midig Kieran Trippier.

Trippier oo 30 jir ah ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United suuqa xagaaga isaga oo haatanba bilaabay in uu guri raadis ka bilaabay magaalada Manchester.

Kooxda Man United ayaa Trippier u doonaysa in ay boos cusub ka ciyaarsiiso xiddiga Wan-Bissaka hadii uu Trippier ku soo biiro kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska The Atletic ayaa sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer xiddiga Aaron Wan-Bissaka ka ciyaarsiin doono booska khadka dhexe Hadii ay kooxdu dhamaystirto xiddiga Kieran Trippier.

Xiddiga reer England ee Aaron Wan-Bissaka ayaa horay uga ciyaara khadka dhexe markii uu joogay kooxda Crystal Palace ka hor intii uuna ku Biirin kooxda Man United.


Source: laacibfm

SHARE