Nasser Al-Khelaifi Oo Fariin Adag Oo Ku Saabsan Kylian Mbappe U Diray Real Madrid.

Madaxweynaha Kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa hoos u dhigay wararka Kylian Mbappe la xidhiidhinaya Ka Tagista kooxda PSG suuqa xagaagan isaga oo si cad u sheegay in uu xiddiga reer France sii joogi doono kooxda.

Heshiiska Mbappe ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana si weyn loola xidhiidinayay kooxda Real Madrid kuwaas oo u baahan saxiixyo waaweyn dhinaca weerarka.

“Si cad ayaan u hadli doonaa”ayuu Nasser Al-Khelaifi u sheega L’Equipe.

“Mbappe waxa uu sii joogi doonaa PSG”.

“Waligeen ma iibin doono, sidoo kale kooxda si xor uga tagi maayo, Mbappe waxa uu wax walba oo uu u baahanyahay ku haystaa PSG”.

“Halkee Ayuu aadi karaa? kooxdee marka laga hadlo dhanka Hambiga ku tartamista, PSG way tartamaysaa maanta?.

“Waxan rajaynayaa in aan heshiis cusub la gaadhno, halkan waa Paris, waa dalkiisiis, halkan uma joogo in uu kaliya ciyaaro kubad laakiin in uu kor u qaado horyaalka halkiisa iyo caasimadiisa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE