RASMI: Xulka Qaranka England Oo Ku Dhawaaqay Badalka Trent Alexander-Arnold Oo Dhaawac Ku Seegaya Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ku dhawaaqay xiddiga badali doona Trent Alexander-Arnold tartanka Euro 2020 kadib markii dhaawac looga saaray xiddiga Liiska xulka qarankiisa.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu horeeyay ee uu u ciyaaro xulka qaranka England isku diyaarinta Euro 2020 saacado kadib markii lagu soo daray Liiska xiddigaha ka qayb gali doona tartanka.

Sidaas darteed Trent Alexander-Arnold ayaa seegi doona tartanka kadib markii la xaqiijiyay in uu dhaawaca muddo bil ah u maqnaan doono waliba uuna awood u lahayn in uu u ciyaaro xulkiisa tartanka.

Xulka qaranka England ayaa haata Boggooda Twitter-ka ku xaqiijiyay in daafaca Ben White ee u ciyaara kooxda Brighton loo yeedhay badalka Trent Alexander-Arnold kaas oo haataba ku laabtay Liverpool si uu u bilaabo soo kabsashadiida.

Image


Source: laacibfm

SHARE