Ruben Neves Oo Wolves U Sheegay Go’aankiisa Ku Aadan Ku Biirista Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha ay isku kooxda yihiin Wolves u sheegay rabitaankiisa ku biirista kooxda Arsenal suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Portugal ee Ruben Neves ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Arsenal ee suuqa xagaaga waxana doortay Mikel Arteta si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Arsenal haatanba wadahadalo la furtay kooxda Wolves si ay ugala heshoo heshiiska xiddiga oo ay ku doonayso 34 milyan oo euro.

Dhanka kale wargayska Mail ayaa sheegay in uu xiddiga Ruben Neves diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo xiddigaha iyo kooxdiisa Wolves u sheegay in uu doonayo ku biirista Gunners.

Wargayska The Sun ayaa dhankooda sheegaya in ay Wolves diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga reer Portugal xilli ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale oo adag sabab la xidhiidha xanuunka Korona.


Source: laacibfm

SHARE