Sababta Uu Georginio Wijnaldum U Doortay Ku Biirista PSG Isagana Diiday Barcelona Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa ku dhaw in uu si xor ah ugu biiro kooxda PSG kuwaas oo saxiixa xiddiga ku garaacaya kooxda Barcelona oo doonaysay saxiixa.

Georginio Wijnaldum ayaa si xor ah uga tagi doona kooxda Liverpool waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona laakiin xiddiga 30 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay ku biirista PSG.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga Georginio Wijnaldum doortay ku biirista kooxda PSG isaga oo iska diiday ku biirista kooxda Barcelona oo muddo ugu cad-cadayd saxiixiisa.

Hadaba wargayska ayaa sheegay in ay jiraan laba sabab oo uu Georginio Wijnaldum isaga diiday Barcelona kuna doortay ku biirista kooxda PSG.

Sababta ugu horaysa ayaa ah qiimaha lacageed ee kooxda PSG ayaa ka fiican midka ay Barcelona diyaarka ula tahay taas oo keentay in uu doortay kooxda PSG.

Sababta kale ayaa ah in uu Georginio Wijnaldum la dhacay mashruuca kooxda PSG kuwaas oo uu hogaaminayo tababare da’yar ah kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan koobab xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE