Tababaraha Xulka Qaranka France Didier Deschamps Oo Ka Jawaabay Saadaasha Jose Mourinho U Saadaaliyay Xulka Qaranka France Ku Guulaysiga Tartanka Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka jawaabay saadaasha uu Jose Mourinho u saadaaliyay ku guulaysiga xulka France tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona todobaadkan.

Jose Mourinho ayaa sheegay in uu xulka qaranka France yahay xulka ugu cad-cad ku guulaysiga Euro 2020 waliba hadii uuna ku guulaysan uu yahay mid fashil ah tartanka euro 2020.

Didier Deschamps oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marka la eego in ay yihiin xulka difaacanaya koobka adduunka, iyaga ayaa ah xulka ugu cad-cad ku guulaysiga Euro 2020″.

“Laakiin waxa aan u baahanahay isku dheelitirnaan dhinac walba ah”.

“Wax cadaadis ah nama saarna xulka France ayaana ah xulka ugu cad-cad ku guulaysiga Euro”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE