Xiddig Muhiim U Ah Xulka Qaranka Spain Oo Laga Helay Xanuunka Korona Maalmo Ka Hor Bilaabashada Tartanka Euro 2020.

Xiriirka kubada cagta Spain (RFEF) ayaa ku dhawaaqay in Sergio Busquets laga helay xanuunka Korona maalmo ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020.

Kabtanka xulka Spain ayaa laga helay xanuunka Korona Axadii shalay kadib markii xiddigaha xulka laga baadhay xanuunka Korona laakiin dhamaan xiddigaha kale ayaa laa waayay xanuunka.

Warkan ayaa dhirbaaxo u ah xulka qaranka marka loo eego in uu Sergio Busquets muhiim ka yahay xulka qaranka Spain kaas oo bilaaban doona tartnka Euro 2020 todobaadkan.

Xulka qaranka Spain ayaa 14 bishan oo ku beegan Isniinta bilaaban doona tartanka iyaga oo la ciyaari doona xulka Ukriane kuwaas oo bilaaban doona tartanka.


Source: laacibfm

SHARE