Barcelona Oo Badalka Ousmane Dembélé Ka Heshay Man City.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling si ay ugu badalaan xiddiga Ousmane Dembélé kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Xiddiga Ousmane Dembélé ayuu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga dambe waxana ay kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan diidan arintaas.

Wararka ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona xiddiga Raheem Sterling u calaamadsatay badalka suurtagalka ah ee Ousmane Dembélé iyaga oo waliba dajistay qorshe ay ugu dhaqaaqayaan saxiixisa.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar ula tahay saxiixa xiddiga Sterling lacag iyo waliba xiddigo si ay Man City ugu qanciso in ay iibiso xiddiga suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar la tahay lacag dhan 30 milyan oo euro iyo xiddigaha Francisco Trincão Iyo Sergi Roberto ama xiddigaha Junior Firpo iyo Miralem Pjanić.


Source: laacibfm

SHARE