Chelsea Oo Wadahadalo La Qaadatay Erling Haaland, Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Erling Haaland kala hadashay ku biirista Stamford Bridge suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa ka mid a weeraryahanada ugu fiican wakhti xaadirkan waxana lala xidhiidhiidhanayaa kooxo badan oo reer yurub ah.

Laakiin Blues ayaa haatanba wadahadalo la qaadatay xiddiga xilli ay maamulka kooxdu diyaar u yihiin in ay lacag fiican ku taageeraan Tabababare Thomas Tuchel.

Saxafiga Kristof Terreur ayaa sheegaya in ay chelsea wadahadalo la qaadatay wakiilada xiddiga 20 jirka ah si ay u helaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in ay kooxda Borussia Dortmund u sheegtay chelsea in ay bixiso lacag dhan 170 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga reer Norway.


Source: laacibfm

SHARE