Go’aanka Erling Haaland Ee Ku Biirista Chelsea Oo La Ogaaday.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Chelsea suuqa xagaaga.

Kooxda ku guulaystay champions league ayaa raadinaysa in ay suuqa xagaaga kala soo saxiixato weeraryahan cusub suuqa xagaaga ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Norway ayaa lagu heli karaa lacag kor u dhaafaysa 150 milyan oo euro halka uu sidoo kale doonayo lacag dhan 300 kun oo Gini todobaadkii oo mushahar ah.

Haaland ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin kooxah Real Madrid, Man City, Barcelona iyo Man United.

Laakiin wargayska The Telegraph Haaland ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda chelsea sabab la xidhiidha in uu la dhacsanyahay mashruuca uu dhisayo tababare Thomas Tuchel.


Source: laacibfm

SHARE