Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Badalka Georginio Wijnaldum

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dalab furitaan ah oo 26 milyan oo Euro ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Roma ee Lorenzo Pellegrini iyagoo raadinaya bedelka Georginio Wijnaldum.

Xiddiga reer Italy ayaa lagu soo waramayaa in uu bartilmaameed u noqday tababare Jurgen Klopp kaas oo raadinaya xiddig awood u leh kubad samaynta khadka dhexe.

Xiddiga khadka dhexe ee Lorenzo Pellegrini Ayaa dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 9 kale xilli ciyaareedkii dhamaaday tartamada oo dhan.

Iyada oo hal sano ka hadhsantahay heshiiskiisa Roma ayaa ku qabsan in ay iska iibiso xiddiga 24 jirka ah.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Liveprool tahay kooxdii ugu horaysay ee dalab Rasmi ah ka gudbisa xiddiga khadka dhexe.


Source: laacibfm

SHARE