Man City Oo Heshiis Isku Badalasho Ah U Soo Bandhigtay Atletico Madrid.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay Atletico Madrid u soo bandhigtay xiddiga khadka dhexe ee Bernardo Silva si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda La Liga ka ciyaarta ayaa dhankeeda xiiso u qabta saxiixa xiddiga Bernardo Silva waxana ay doonayaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Dhanka kale xiddiga Silva ayaa la sheegayaa in uu Maamulka Man City ka codsaday in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan si uu naftiisa ugu tijaabiyo horyaal kale.

Wargayska The Times ayaa haatan sheegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay Bernanrd u ogolaato in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid isaga oo ka qayb noqon doona heshiis isku abdalasho ah oo ay ku doonayso xiddiga Saul Niguez.

Saul ayaa dhankiisa la sheegayaa in uu doonayo in uu koox cusub ku biiro isaga oo bartilmaameed u ahaa kooxda Man United xilli ay Atletico Madrid ku qiimayso lacag dhan 60 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE