RASMI: Xiddig U Ciyaara Man United Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegayo Euro 2020.

Xulka qaranka Holland ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Donny van de Beek seegi doono tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona Khamiista sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Donny van de Beek Ayaan ka qayb qaadan kulamadii isku diyaarinta ee xulka tartanka Euro 2020 tababaraha xulka Qaranka ayaanan sidoo kale markii hore go’aan ka gaadin xaalada xiddiga.

Laakiin xulka Holland ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga Donny van de Beek seegi doono tartanka Euro 2020 sabab la xidhiidha dhaawac uu la dhibaatoonayay xiddigu.

Si kasta aha ahaatee tababaraha xulka qaranka Holland ee Frank de Boer ayaan magacaabi doonin xiddig badala Donny van de Beek waxana uu ku ciyaari doonaa 25-ka xiddig ee uu haysto.

Xulka qaranka Holland ayaa Axada dambe la ciyaari doona xulka Ukriane iyaga oo kulankaas ku bilaaban doona tartanka Euro 2020 sanadkan.


Source: laacibfm

SHARE