Riyad Mahrez Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Ku Aadan Ku Biirista Arsenal

Xiddiga kooxda Man City ee Riyad Mahrez ayaa xaqiijiyay in uuna ka tagi doonin kooxda Man City sidaasna meesha uga saaray wararka la xidhiidhinaya kooxda Arsenal.

Xiddiga Riyad Mahrez ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal suuqa xagaagan iyada oo ay soo bexeen warar sheegaya in ay Man City iska iibinayso xiddiga xagaagan.

Laakiin Mahrez ayaa meesha ka saaray in uu isaga tagi doono kooxda Man City suuqa xagaagan taas oo Albaabka ka xidhay helitaanka Arsenal ee saxiixiisa.

“Ma jiraan wax ku saabsan mustabalkayga, waxa aan ku jiraa xaalad fiican, waxana aan sii joogi doonaa Man City”ayuu Mahrez u sheegay The Sun.

“Waxa aan xaalad fiican ku dareemayaa Man City mana jirto rabitaan aan ku doonayo in aan ka tago Man City una dhaqaaqo koox kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE