Shaxda Ugu Fiican Ee Uu Xulka Qaranka England Ku Ciyaari Karo Tartanka Euro 2020.

Xulka qaranka England ayaa isku diyaarinaya tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona maalinta Khamiista xilli ay isha ku hayaan in ay ku guulaystaan tartanka.

Xulk Enland ayaa haysta xiddigo da’yar ah oo cajiib ah kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira waliba si weyn loo hadal hayo ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020.

Xulka England ayaa si weyn looga filayaa in ay ku guulaystaan tartanka kadib markii ay Semi-final-ka gaadheen koobkii adduunka ee sanadkii 2018.

Tababaraha xulka England ayaa shaki la’aan dareemi doona madax xanuun maadama uuna garanayn cida uu u doorto shaxdiisa ugu fiican ee tartanka maadama ay xiddigo badan ku dagaalamayaan boosaska.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray shaxda ugu fiican ee uu xulka England ku gali karo tartanka Euro waliba shaxdaas oo natiijooyin fiican ka keeni kara tartanka.


Source: laacibfm

SHARE