Wakhtiga Ay Liverpool Ku Dhawaaqayso Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaaga Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga todobaadkan si ay ugu xoojiso kooxda.

Liverpool ayaa ku dhaw saxiixeedii 2-aad ee xagaaga kadib markii ay horay u dhamaystirtay saxiixa daafaca Ibrahima Konaté kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.

Wargayska Zambian Observer ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga Patson Daka kaas oo u ciyaara kooxda RB Salszburg todobaadkan gudihooda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool dhigeeda RB Salzburg kala heshiisay wax walba oo ku saabsan heshiiska waliba xiddiga Patson Daka ka dhigi doonto saxiixeedii 2-aad ee xagaaga.

Xiddiga Patson Daka oo u ciyaara xulka qaranka Zambia ayaa laga reebay waajibaadka xulka qarankiisa si uu u dhamaystiro ku biirista kooxda Liverpool todobaadkan.


Source: laacibfm

SHARE