WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Qaalisan Ee Laga Sameeyay Taariikhda Suuqa Kala Iibisga.

Waxa lagu jiraa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxaha kala duwan iyo xiddigaha kala duwan ku mashquulsanyihiin helitaanka waxa ay doonayaan.

Kooxaha ayaa raadinaya xiddigo munaasib ku ah kooxdooda oo xoojin kara xilli ciyaareedka dambe halka ay xiddigaha qaar ku mashquulsanyihiin helintaanka kooxo ay u ciyaari karaan xilli ciyaareedka dambe.

Suuqa xagaagan ayaa ka duwanaan kara suuqyadii hore ee kubada cagta sabab la xidhiidha dhaqaale xumo ay ku jiraan kooxaha kubada cagtu lamana filayo in la sameeyo saxiixyo waaweyn sidii caadada ahayd.

Taariikh ahaan suuqa waxa jira saxiixyo waaweyn oo ay sameeyeen kooxaha kubada cagtu kuwaas oo ay ku jabiyeen baanankooda si ay u helaan xiddigaha ay doonayaan.

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa ah xiddiga ugu qaalinan taariikhda suuqa kala iibsiga marka loo eego in uu lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda PSG xagaagii 2017.

Xiddiga kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa soo xidhay Liiska xiddigaha ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga sanadihii ugu dambeeyay kadib markii uu United ugu biiray lacag rikoodh ah sanadkii 2019.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sawirka 11-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda kubada cagta suuqa kala iibsiga.


Source: laacibfm

SHARE