XASAASI: Isku Badalasho Waali Ah Oo Dhex Mari Karta Barcelona & Man City, Lionel Messi Ayaa Fure U Ah.

Barnaamijka El Chiringuito Ayaa shaaca ka qaada heshiis isku badalasho ah oo dhexmari doona kooxaha Man City iyo Barcelna kuwaas oo ay labada kooxood isku dhaafsan doonaan laba xiddig inta lagu jiro suuqa xagaaga.

El Chiringuito ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona la xidhiidhay waalidka Lionel Messi si ay ugu qanciso in uu xiddigu ku soo biiro Etihad Staduim suuqa xagaaga kala iibsiga

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa la kulantay wakiilada xiddigaha Riyad Mahrez iyo İlkay Gündoğan Si ay dhankooda ugu qanciyaan in ay yimaadaan Camp Nou suuqa xagaagan.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa ka fikiraysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Raheem Sterling kaas oo u muuqda mid ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola.

Isla Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegay in uu xidhiidh fiican ka dhexeeyo maamulka labada kooxood taas oo keentay in ay ka fikiraan is dhaafsiga heshiisyadaan.


Source: laacibfm

SHARE