YAAB: Virgil Van Dijk Oo Door Lama Filaan Ah Ka Ciyaari Doona Tartanka Euro 2020

Tababaraha Xulka qaranka Holland ee Frank de Boer ayaa xaqiijiyay in uu daafaca Virgil Van Dijk ka qayb ahaan doono shaqaalaha tababarka xulka qaranka Holland tartanka Euro 2020.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa dhaawac ku seegay xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu sidoo kale seegi doonaa tartanka Euro 2020 maadama uuna wali taam u ahayn in uu ciyaaro kulamada.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in uu xiddigu xulka qarankiisa kala qayb gali doono tartanka inkasta oo uuna ciyaari doonin kulamada tartanka.

Tababaraha xulka ee De Boer ayaa xaqiijiyay in uu Van Dijk ka qayb ahaan doono shaqaalihiisa tababarka ee xulka qaranka Holland si uu xulka uga cawiyo ku guulaysiga tartanka.

“Van Dijk waxa uu ka ahaan doonaa caawiya xulka qaranka, sababta oo ah xiddiguhu way jecelyihiin”.

“Van Dijk waxa uu muhiim u yaha xulka sidaas darteed waxa uu noqon doonaa mid dhiiri galinaya xiddigaha”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE