Dembele, Kane, Grealish, Neves, Salah, Coutinho, Sancho, Haaland, Ziyech, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Man City ayaa filaysa in ay in ka badan 70 milyan oo euro ka hesho iibka xiddigaha aan ka mid ahayn qorshaha tababare Pep Guardiola si ay ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddigaha Harry Kane iyo Jack Grealish (Mail).

Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta in ay iska iibiso xiddigaha Granit Xhaka & Hector Bellerin waxana ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Ruben Neves hadii ay labadaas xiddig iska iibiyaan (Mail).

Xiddiga Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay ku biirista kooxda chelsea hadii ay Blues Borussia Dortmund kala heshiiso qiimaha lacageed (Telegraph).

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay xiddiga Callum Hudson-Odoi ka iibiso kooxda Bayern Munich xagaaga (Times).

Kooxda Tottenham ayaa si cad ugu sheegtay Man City in ay kaliya doonayso lacag kaliya hadii ay iibinayso xiddiga Harry kane (Mirror).

Kooxda Villarreal ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Arsenal iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga Hector Bellerin (Express).

Kooxda Liverpool ayaa dalab 28.5 milyan ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Roma ee Lorenzo Pellegrini kaas oo ay u doonayso badalka Georginio Wijnaldum (Star).

Kooxda Ac Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Hakim Ziyech kaas oo ay qaab amaah ah ku doonayaan (Star).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Wolves oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso 18 xiddig oo ay ka mid yihiin Antoine Griezmann, Ousmane Dembele, Philippe Coutinho  Samuel Umtiti, Miralem Pjanic, Francisco Trincao, Neto & Junior Firpo (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fc Porto ee Fabio Vieira (Liverpool Echo).

Kooxda Napoli ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara chelsea ee Emerson Palmieri (Calciomercato).

Kooxda Liverpool ayaa xiiso u muujinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pedri kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxda Bayern Munich (Mundo Deportivo).

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ay haysato ilaa dhamaadka bisha July si ay u dhamaystiraan saxiixa Jadon Sancho (Bild).

Kooxda Inter Milan ayaa Chelsea ka diiday dalab 60 milyan iyo xiddigo ah oo ay ku doonaysa xiddiga Achraf Hakim iyaga oo u sheegay in ay kaliya doonayaan dalab lacag kaliya ah oo dhan 75 milyan oo euro (Gazzetta Dello Sport).

Raheem Sterling ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxaha Arsenal iyo Barcelona (Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa lacagta ay ku iibinayso xiddiga Raphael Varane hoos ugu dhigtay 50 milyan oo euro (Mundo Deportivo).

Riyad Mahre ayaa sidoo kale iska diiday kooxda Arsenal isaga oo sheeay in uu doonay ciyaaraha kaga fadhiisto Man City (DZ).

Xiddigii hore ee xulka Masar ee Mido ayaa sheegay in uu Mohamed Salah isaga tagi doono Liverpool kuna biiri doono PSG Xagaagan (Goal).

Xiddiga Lautaro Martinez ayaa doonaya in uu midkood ku biiro Barcelona ama Atletico Madrid halkii uu ku biiri lahaa Real Madrid (Sport).


Source: laacibfm

SHARE