Kooxihii Premier League Ee Ka Qayb Galay European Super League Oo Ganaax Dusha Laga Saaray.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo uu la soo saaray Horyaalka Premier League kuna saabsan ka qayb galkii 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier League ee tartanka European Super League.

Kooxaha Liverpool, Arsenal, Chelsea, Manchester United, Manchester City & Tottenham ayaa ka qayb ahaa kooxaha ku biiray tartanka ka hor inta ayna ka bixin sabab la xidhiidha cadaadis uga yimid taageerayaasha kooxaha iyo maamulka UEFA iyo FIFA.

“Kooxihii ka qayb galay tartanka European Super League waxa ay qirteeen khaladkooda ah in ay ka qayb qaataan tartanka waxana ay go’aansadeen in ay ka laabtaan kana sii mid ahaadaan premier League”.

“Waxay si kal iyo laab ah u raali geliyeen taageerayaashooda, kooxaha ay wada shaqeeyaan, Premier League iyo FA”.

“Kooxaha premier League ee ka qayb galay tartanka ayaa ogolaaday in ay bixiyaan 22 milyan oo euro waxana ay sidoo kale ogolaadeen in ay maal galin ku sameeyaan taageerayaasha kooxaha”.

“Sidoo kale waxa ay ogolaadeen in laga jaro 30 dhibcood hadii ay mar kale ka qayb galaan tartamo noocan oo kale ah waxana lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 25 milyan oo euro”.”


Source: laacibfm

SHARE