Sergio Ramos Oo Badalay Go’aankiisa Ku Aadan Heshiiska Cusub Ee Real Madrid

Wargayska MARCA ayaa kashifay arimo cusub oo ku saabsan heshiis kordhinta kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo uu dhacayo heshiiskiisa Los Blancos.

Heshiiska Ramos ee Real Madrid ayaa dhici doona 30 bishan haatan lagu jiro ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda Real Madrid isaga oo si weyn loola xidhiidhinayo ka tagista kooxda.

Real Madrid ayaa Ramos horay ugu soo bandhigtay heshiis cusub oo 2 sano ah iyo waliba in uu 10% hoos u dhigo mushaharkiisa taas oo ah mid uu diiday xiddiga reer Spain.

Laakiin wargayska ayaa sheegaya in uu Ramos haatan ka laabtay diidistii heshiiska Real Madrid u soo bandhigtay laakiin haatan sugayo in uu madaxweynaha kooxdu dib ula xidhiidho kuna qanciyo in uu sii joogo kooxda.


Source: laacibfm

SHARE