Supercomputer Oo Saadaaliyay Tartanka Euro 2020 Ee Bilaaban Doona Khamiista

Waxa khamiista bilaaban doona tartanka Euro 2020 waxana ay xulalka ugu waaweyn kubada cagta ku tartami doonaan tartanka ku guulaysiga koobka sanadkan.

Supercomputer ayaa saadaaliyay xulka ku guulaysan doona tartanka Euro 2020 iyada oo la filayo tartan xoogan oo xulalka ku dhexmara ku guulaysiga tartanka.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in uu xulka qaranka England garaaci doonaan xulalka Spain iyo Portugal wareegyada bug baxa ee tartanka Euro 2020.

Waxa la saadaaliyay in xulka England uu kaalinta 1-aad kaga soo bixi doonaan Group-ka D iyaga oo raaci doona xulalka Croatia & Czech Republic.

Dhanka kale xulalka Italy, Belguim, Holland, Spain iyo France ayaa sido kale kaalinta 1-aad kaga soo baxaya Group-yada halka uu xulka Wales kaalinta 2-aad kaga soo bixi doona Group- A.

Xulka England ayaa loo saadaaliyay in ay 2/1 kaga badin doonaan xulka Portugal wareega 16-ka halka uu xulka Germany rikoodhayaal kaga badin doono xulka Holland.

England ayaa 8 dhamaadka la kulmi doona xulka Spain waxana ay kaga badin doonaan 3/1 halka uu xulka Belguim 2/1 ku dhaafi doono xulka Italy.

Xulka Germany ayaa dhankiisa 3/1 kaga badin doona xulka Turkey halka uu France dhaafi doono xulka Croatia.

Dhinaca Semi-final-ka xulka France ayaa dhaafi doona xulka Belguim waxana Final-ka isaga hor iman doona xulalka France iyo England iyada oo uu Xulka France ku guulaysan doono koobka.


Source: laacibfm

SHARE