Xulka Qaranka France Oo War Fiican Ka Helay Xaalada Karim Benzema

Xiddiga Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa in uuna dhaawacii soo gaadhay kulankii Bulgria ahayn mid halis ah waliba uu taam u noqon doono kulanka furitaanka ee uu xulka France la ciyaari doono xulka Germany 14 bisha June.

Weeraryahanka ayaa dhaawac uga baxay kulankii uu xulka France guusha 3/0 ka gaadhay xulka Bulgaria kaas oo ahaa kulankii ugu dambeeyay ee ka hor tartanka Euro 2020.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in la filayo in uu Karim Benzema taam buuxa u noqon doono kulanka Germany sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta xulka waxana uu ku so laabtay tababarka subaxnimadii maanta.

Karim Benzema ayaa ku soo laabtay xulka qaranka France isaga oo ciyaari doona kulankii ugu horeeyay ee Rasmi ah kulanka Germany tan ilaa sanadkii 2016.


Source: laacibfm

SHARE