DEG-DEG: PSG Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Saxiixa Georginio Wijnaldum

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Liverpool.

PSG ayaa xaqiijisay in uu Georginio Wijnaldum qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2024.

Xiddiga Georginio Wijnaldum oo 30 jir ah ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda PSG dhamaystirto suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda PSG ayaa saxiixa Georginio Wijnaldum ku garaacday kooxda Barcelona kuwaas oo muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixiisa kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.


Source: laacibfm

SHARE