Gary Neville Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Tartanka Euro 2020.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa saadaaliyay in uu xulka qaranka France yahay xulka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2020 ee sanadkan.

Neville ayaa taageeray qaabka jidheed ee xulka qaranka France isaga oo sidoo kale sheegay in ay u ciyaaraan xiddigo maskax badan sidoo kale orod badan.

France ayaa lagu garaacay final-kii tartanka Euro 2016 markaas oo uu xulka Portugal ku guulaystay koobka laakiin waxa ay ku guulaysteen koobkii adduunka 2018.

Neville ayaana sheeay in uu filayo in uu xulka France si deg-deg ah ula qabsan doono xaalada.

“Kama fikiri karo xul aan France ahayn, run ahaantii”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Khibrada, Maskaxda guulaha, shaqsiyada ay haystaan sidoo kale waxa ay haystaan xiddigo leh gool dhalin, waliba waxa ay ciyaari karaan ciyaar walba oo ay doonayaan”ayuu sii raaciyay.

“Waxa ay la ciyaari karaan koox ciyaarta qaab difaac ah iyo waliba koox ciyaarta qaab weerar ah waxana ay la qabsan karaan ciyaarta midkasta oo ay ku jiraaan ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE