XASAASI: Man United Oo Ku Hungawday Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Ka Gudbisay Jadon Sancho

DORTMUND, GERMANY – MARCH 05: Jadon Malik Sancho #7 of Borussia Dortmund looks on during the UEFA Champions League Round of 16 Second Leg match between Borussia Dortmund and Tottenham Hotspur at Westfalen Stadium on March 05, 2019 in Dortmund, North Rhine-Westphalia. (Photo by Maja Hitij/Bongarts/Getty Images)

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Man United ka diiday dalabkii Rasmi ahaa ee ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Jadon Sancho sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa maanta dalab Rasmi ah oo dhan 69 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Jadon Sancho laakiin Borussia Dortmund ayaa diiday dalabkaas.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ay kor ugu qaado dalabkeeda lacag dhan 90 milyan oo euro hadii kale ay iska ilowdo in ay hesho saxiixa xiddiga reer England.

Dhanka kale Man United ayaa u sheegtay Dortmund in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta la dul dhigay xiddiga waxana ay u badantahay in ay raadsato xiddigo kale oo booskiisa ah.

Sancho ayaa dhankiisa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United isaga oo la filayo in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund inta lagu jiro suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE