Xulka Qaranka England Oo War Fiican ka Helay Tababarka Ka Hor Bilaabashada Tartanka Euro 2020

Xulka qaranka England ayaa war fiican ka helay tababarka ka hor kulanka Croatia ee tartanka Euro 2020 iyaga oo uu tababarka buuxa ugu soo laabtay daafaca Harry Maguire kaas oo dhaawac kaga maqnaa xulka.

Daafaca ayaa tababarka kaliga ah qaadanayay kadib markii uu dhaawac kuraanta ah soo gaadhay kuna seegay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Soo laabashada Harry Maguire ayaa la macno ah in uu xulka qaranka England haysto 26-ka xiddig ee tartanka uga qayb galaya oo dhamaantood taam u ah kulankooda Croatia.

Warkan ayaa ah mid muhiim u ah xulka qaranka England marka loo eego in uu Harry Maguire muhiim u yahay daafaca dhexe ee xulka qaranka England.


Source: laacibfm

SHARE