Jose Mourinho Oo Ronaldo Talo Ka Siiyay Mustaqbalkiisa Juventus

Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in Ronaldo uu ka huleelo horyaaka Italy waliba qaab nabad ah in uu uga baxo.

Jose ayaa xilli ciyaareedka bilaabanaya hogaaminaya Roma  waxa ayna u badan tahay in uu  kor tago laacibkiisii hore ee isku wadanka yihiin ee Ronaldo

Talk Sport ayuu Jose ka yiri ” waa qasab in Ronaldo Italy ka tago si aan u nabad helo”

“Waa xiddig cajiib weli gool dhaliye ah , mar waliba in uu taariikh dhigo ayuu doonayaa” ayuu yiri Jose Mourinho

Waxa uu intaas sii raaciyay Jose” waxaa uu doonayaa in kubadda dahabka uu ku guuleysto , sidaa darteed waa qasab in laga cabsado”


Source: laacibfm

SHARE