Ka Hor Bilaabashada Tartanka Euro 2020, Wax Ka Ogow Xulalka Koobabka Ugu Badan Ku Guulaystay Tartanka Euro-da.

Waxa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona tartanka qaramada qaarada yurub ee Euro 2020 iyada oo ay xulalka ka qayb galaya u tartami doonaan ku guulaysiga koobka.

Xulalka ugu magaca weyn yurub ayaa dhamaantood isku tijaabin doona in ay ku guulaystaan koobka sanadkan kadib markii ay muddo dheer sugeen in ay ciyaaraan tartanka.

Xullalka Germany iyo Spain ayaa ah labada xul ee tartanka soo galaya iyaga oo ah xulalka koobabka ugu badan ku guulaystay koobka Qaramada qaarada yurub iyaga oo ku guulaystay min 3 koob.

Labada xul ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay markii 4-aad ku guulaystaan koobka waxana ay diyaar u yihiin in ay wax walba u sameeyaan sidii ay u dhici lahayd.

Dhanka kale xulka difaacanaya koobka adduunka ee France ayaa horay ugu guulaystay 2 jeer waxana uu kulanka soo galaya isaga oo doonaya in uu la bar-bareeyo labada xul ee ka badan.

Xulalka Soviet Union, Italy, Czechoslovakia, Portugal, Holland, Denmark iyo Greece ayaa dhankooda min hal mar ku guulaystay koobka qaramada qaarada yurub.


Source: laacibfm

SHARE