Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Harry Kane

Juventus ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee xiise u muujisa weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa ka soo baxay xilli ciyaareed uu hogaaminayay gool dhalinta iyo waliba caawinta horyaalka premier League.

Kooxaha Man City, Man United iyo Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay doonayaan saxiixa xiddiga reer England si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.

Wargayska Calciomercato Ayaa sheegaya in ay Juventus tahay kooxdii ugu dambaysay ee u dhaqaaqda saxiixa xiddiga Sabab la xidhiidha in ay u arkaan Badalka Cristaino Ronaldo.

Juventus ayaa waliba diyaar u ah in ay miiska saarto mushaharka xiddigu doonayo taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan ee ka soo jeeda dalka England.


Source: laacibfm

SHARE