Taariikh: Euro 2020 Oo Durba Taariikh Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ugu Horeeyay.

Waxa la ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee tartanka Euro 2020 iyada oo ay wada ciyaareen xulalka Turkey iyo Italy kuwaas oo furay tartanka aadka looga sugayay adduunka oo dhan.

Xulka qaranka Italy ayaa guul ku bilowday tartanka iyaga oo 2/0 ku garaacay xulka Turkey kuwaas oo aan kulanka u soo galin in ay 3-da dhibcood ee kulanka helaan.

Inkasta oo kaliya la ciyaaray hal kulan hadana durba waxa taariikh aan horay u dhicin laga diwaan galiyay tartanka Euro 2020 kadib guushii xulka qaranka Italy.

Markan ayaa ah markii ugu horaysay ee taariikhda tartanka Euro-da in goolka ugu horeeya ee laga dhaliyo tartanka noqdo mid si khaldan la isaga dhaliyay kadib markii uu xiddig Turkey ah goolkiisa si khaldan uga dhaliyay goolka furitaanka.


Source: laacibfm

SHARE