Xiddig U Ciyaara Man City Oo Dib U Dhigay Wadahalado Heshiis Cusub Ah & Barcelona Oo Sabab U Ah.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundogan ayaa lagu soo waramayaa in uuna wax niyad ah u hayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City mustaqbalka dhaw.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay intii uu joogay Man City isaga oo ku lug lahaa 39 gool premier League kulana guulaystay 3 premier League.

Iyada oo 2 sano uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Man City waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka xiddiga.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uuna xiddigu doonayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City sabab la xidhiidha xiisaha ay Barcelona u qabto saxiixiisa.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay xiddiga u dhaqaaqdo waliba ku heshiimo jaban marka la eego in uu heshiiskiisa Man City si dhamaanayo.


Source: laacibfm

SHARE