Georginio Wijnaldum Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Barcelona Ugana Doortay PSG

Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday sababta uu isaga diiday kooxda Barcelona uguna biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Liverpool.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa ahaa xiddig ay si aad ah u doonaysay kooxda Barcelona laakiin xiddiga reer Holland ayaa iska diiday isaga oo ka doortay ku biirista kooxda reer France.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Liverpool kadib 5 sano oo uu joogay.

“Waxa uu ahaa mid adag”ayuu Georginio Wijnaldum ka yidhi go’aankii uu qaatay.

“Waxa aan 4 todobaad ka hor wadahadalo kula jiray Barcelona”.

“Laakiin PSG ayaa si deg-deg ah u dhamaysay wax walba sidoo kale mashruucooda ayaa ahaa mid i soo jiitay”.

“Go’aan adag ayuu ahaa sababta oo ah Barcelona ayaa aad ii xiisaynaysay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Source: laacibfm

SHARE