Gerard Pique Oo Magacaabay Weeraryahanka Uu Doonayo In Uu Ku Soo Biiro Barcelona.

Daafaca dhexe ee Barcelona Gerard Pique ayaa qirtay inuu rajeynayo inay kooxdu lasoo saxiixan karto weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa ku jirta xaalad adag oo dhaqaale laakiin kooxda ayaa ku rajo weyn in ay saxiixan karto saxiixyo waaweyn suuqa kala iibsiga xagaagan.

“Wax fikrad ah kama haysto, waxaan rajeynayaa inuu Erling Haaland yimaado Barcelona”Pique ayaa sidaa yiri mar uu la hadlayey YouTuber Ibai Llanos.

“Ciyaartoyda waa weyn waa inay nala joogaan, laakiin taasi waa go’aan kooxda ay qaadaneyso, way ogaan doonaan”.

Kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga Haaland iyaga oo xitaa la kulmay wakiilka iyo Aabaha dhalay xiddiga


Source: laacibfm

SHARE