Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Xiisihii Man United Ee Kieran Trippier?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in United ay wadahallo la bilaabeen Atletico Madrid oo ay ka doonayaan Kieran Trippier.

Garabkaas middig ee reer Ingiriis ayaa haatan qarankiisa waxa uu kala qeyb galayaa tartanka qaramada yurub 2020 kuwaasi oo kulankooda ugu horeeya la ciyaaraya axadda dhiggooda Croatia

Daily Mail ayaa sheegeysa in United gudbiyeen dalab gaaraya 10 milyan oo gini si wiilkaas reer Ingiriis u helaan

Sidaas oo ay tahay waxa wararka qaar sheegayaan in Atlerico ku dhaggan yihiin lacag gaareysa 35 milyan oo gini

Arinta fududeyneysa saxiixa Kieran Trippier ayaa ah in laacibka uu qudhiisa doonayo United waliba uu guri raadiyay magaalada Manchester

Kieran Trippier ayaa Atletico u yimid xagaagii 2019-kii waxa uuna waqtigaas ka tagay kooxda Tottenham iyadoo ay u aheyd markii ugu horeeysay ee uu tijaabo banaanka ah soo sameeyo.


Source: laacibfm

SHARE