Kulamada Maanta La Ciyaari Doono Tartanka Euro 2020

Waxa maalintii 2-aad gali doona wareega Group-yada tartanka Euro 2020 oo la ciyaari doono kulamo xiiso leh oo ka tirsan Wareega Group-yada tartanka.

Xulalka Wales iyo Switzerland oo ka tirsan Group A ayaa galabta 4:00 Galabnimo wakhtiga Somaliya iska hor iman doonaa iyaga oo isha ku haya in ay guul ku bilowdaan tartanka.

Kadib waxa bilaaban doona Group B iyada oo ay wada ciyaari doonaan xulalka Denmark iyo Finland iyaga oo ciyaari doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Ugu dambayn kulanka xiisaha leh ayaa ah kulanka dhexmari doona xulalka Belguim iyo Russia Kulan soo gali doona 10:00 Habeenimo Wakhtiga Somaliya.

Xulalkan ayaa dhamaantood isha ku haya in ay iska ilaaliyaan in ay maraan wadadii Turkey oo guuldaro weyn kala kulmay kulankiisii ugu horeeyay ee tartanka.

Waxa xusid mudan in aad Shabakada Kooda ka heli doontaan Natiijada ciyaaraha isla marka ay dhamaadaan sidii caadada Noo ahayd.


Source: laacibfm

SHARE