Mohamed Salah Oo Laga Dhigayo Kabtanka 4-aad Ee Kooxda Kadib Bixitaankii Georginio Wijnaldum

Shabakada Liverpool Echo ayaa sheegtay in bixitaanka Georginio Wijnaldum in uu sabab u noqon doono in uu Mohamed Salah noqdo kabtanka 4-aad ee kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa ahaa kabtanka 4-aad ee kooxda Liverpool kadib Jordan Henderson, James Milner iyo Virgil Van Dijk.

Sidaas darteed bixitaanka Georginio Wijnaldum Klopp ayaa bilowga xilli ciyaareedka dambe Mohamed Salah u magacaabi doona kabtanka 4-aad ee kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa horay qirtay in uu doonayo in uu kabtan u noqdo kooxda Liverpool isaga oo xitaa kulan kooxdiisa u xidhay calaamada kabtanimada kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Laakiin Salah ayaa loo dhiibi doonaa masuuliyada kabtanimada 4-aad ee kooxda Xilli Ciyaareedka dambe kadib bixitaanka xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ku biiray kooxda PSG.


Source: laacibfm

SHARE