Muuqaal Naxdin Leh: Daawo Christian Eriksen Oo Ku Dhex Suuaxay Kulanka Denmark & Finland, Iyo Kulanka Oo La Baajiyay

Kulankii u dhexeeyay xulalka Denmarka iyo Finland ayaa gabi ahaan la baajiyay kadib markii uu xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ku dhex suuxay garoonka dhexdiisa ciyaarta oo socota.

Xiddiga Inter Milan ayaa ku dhex suugay ciyaarta oo maraysa daqiqiadii 42-aad ee qaybta hore kadib markii uu kubad ka helay xiddig ay isku xul yihiin laakiin xiddiga ayaa horay-horay u dhacay iyada oo ayna cidna u dhawayn.

Muuqaalka ayaa ah mid naxdin leh iyada oo xiddigaha labada xul oohin joojin waayeen xilli ay dhakhaatiirta caafimaadku ku soo oroday garoonka dhexdiisa kadib daawayn siisay xiddiga.

Xiddiga Christian Eriksen ayaa xitaa lagu xidhay qalabka neefta soo saara kadib markii uu neefsan waayay taas oo keentay in ay xiddigaha labada xul ooyaan.

Warar ayaa xitaa sheegaya in laga shakisanyahay in uu xiddigu noolyahay marka loo eego in wax dhaqaaq ah laga laayahay ilaa haatan.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE