Romelu Lukaku Oo Guul Ku Hogaamiyay Xulka Belguim, Russia Ayay Garaaceen.

Xulka Belguim ayaa guul fudud ka gaadhay xulka Russia Kulan ka dhacay garoonkaKrestovsky Staduim kana Tirsanaa Group-ka B Kulan dhinac kaliya ahaa.

Xulka Belguim ayaa awoodiisa ku soo bandhigay kulankan iyaga oo fariin u diray xulalka kale ee tartanka kula jira waliba muujiyay in ay yihiin xul u tartami kara tartanka Euro 2020 sanadkan.

Daqiiqadii 10-aad ayay xulka Belguim ku qaadatay in uu hogaanka u qabto ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Wacdaraha dhigaya ee Romelu Lukaku kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Russia ayaa isku dayay in uu ciyaarta ku soo laabto laakiin waxa ay iska caabin kari waayeen xulka Belguim kuwaas oo meel walba kaga fiicnaa xulka Russia.

Daqiiqadii 34-aad ayuu xulka Belguim sii dheeraystay ogaanka ciyaarta waxana gool u dhaliyay markan xiddiga Thomas Meunier kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Belguim ahaa midka fiican natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Russia iska caabiyay Belguim kana joojiyay intii badnayd in ay goolal kale ka dhaliyaan iyaga oo si fiican u difaacanayay.

Laakiin Xiddiga 1-aad ee xulka Belguim Romelu Lukaku ayaa daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolkiisii 2-aad ahna goolkii 3-aad ee xulkiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Belguim awoodiisa ciyaareed ku soo bandhigay kulanka waliba fariin ugu diray xulalka kale ee tartanka ku jira.


Source: laacibfm

SHARE