Sababtii Ay Borussia Dortmund U Diiday Dalabkii Ay Man United Ka Gudbisay Jadon Sancho Oo La Ogaaday, Ballon d’Or-ka Ayaa Sabab U Ah.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday shardi Ballon d’Or-ka ahaa oo ay Man United ku dartay dalabkii ay ku doonaysay xiddiga Jadon Sancho sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa la rumaysanyahay in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Sancho kaas oo todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii.

United ayaa la fahamsanyahay in ay dalab 69 milyan ah ka gudbisay xiddiga todobaadkan laakiin Dortmund ayaa markiiba diiday iyaga oo u sheegay in ay doonayaan lacag dhan 90 milyan oo euro.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in ay Man United sidoo kale ku dartay heshiiska shardi dhaqan gali doona hadii uu xiddiga Sancho ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Si kasta ha ahaatee Dortmund ayaa diiday dalabkaas iyaga oo doonaya in ay hesho lacagta gunadaha ah qaab ciyaareedka xiddiga halka ay ku heli lahaayeen hadii uu xiddigu ku guulaysto abaalmarina xiddiga ugu fiican adduunka.


Source: laacibfm

SHARE