Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Christian Eriksen Kadib Markii Uu Wadnuhu Istaagay.

Xiddiga Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro xaalad fiican waliba indhaha kala qaaday kadib markii uu wadnuhu istaagay intii uu ku jiray kulankii Denmark iyo Finland ee tartanka Euro 2020.

Xiddiga Christian Eriksen  ayaa ku dhex suuxay kulanka dhexdiisa iyada oo ciyaartu socoto taas oo keentay in la joojiyo ciyaarta sidoo kale xiddiga loola ordo dhakhtarka.

Xidhiidhka kubada cagta Denmark, Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA iyo waliba qoyska Christian Eriksen Ayaa dhamaantood xaqiijiyay iskuna raacay in uu xiddigu haatan ku jiro xaalad fiican waliba haatan hadali karo.

Xiddiga ayaa haatan maraya baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado sababta keentay in uu xiddigu ku dhex suuxo garoonka waxana haatan la xaqiijiyay in ciyaarta dib loo bilaabi doono 9:30 kadib markii uu xiddigu ka baxay xaaladii halista ahayd.


Source: laacibfm

SHARE